Hogaamiye Biixi: Dagaalku joogsan maayo inta taako ka mid ah xadka Gobaladda Waqooyi uu cadow ku jiro

Khamiis, May, 18, 2023 (AX) – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in saraakiil hore uga tirsanaa dowladii kacaanka iyo Puntland ay qorshaynayaan in ay Gobaladda Waqooyi kala gooyaan, wuxuuna sheegay in layska difaacayo.Hogaamiyaha oo ka hadlayay xuska munaasibadda 18 May, ayaa maamulka Puntland si gaar ah ugu eedeeyay colaada ka taagan magaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in uu ku hamiyayo in uu qaato qaybo Gobaladda Waqooyi kamid ah.

“Iyadoo 5 tii Soomaaliyeed mid walba meesheeda lagu ixtiraamo, way iga dhaadhici laadahay in Puntland iyo reer ka halka daga ay ku riyoodaan in ay yidhaahdaan Gobaladda Waqooyi badh ayaanu goosanaynaa, hamada intaa leeg halkay ka keeneen” ayuu yiri Hogaamiye Biixi.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in saraakiil danbiyo galay xiligii dowladii kacaanka ay isku urursadeen deegaanada Puntland si ay Gobaladda Waqooyi u waxyeeleeyaan, wuxuuna sheegay in Gobaladda Waqooyi is difaaci doonto.

“Taliyayaashii Hargaysa, Burco iyo Borama sida u galay ee dadka dhameeyay waxa ka sameeyayna, maanta dhamaantood Garoowe ayay joogaan oo ay ku taamayaan 30 sanno ka bacdi in ay dib u bilaabaan wixii ay gaysteen,” ayuu yiri Hogaamiye Biixi.

Waxa uu sheegay in aanu aqbalayn in la yidhaa xadka Gobaladda Waqooyi ayaa badh la gooyay isagoo sheegay in dhamaan xuduudaha Soomaalidu burburi doonaan hadii xuduuda Gobaladda Waqooyi la faragaliyo sida uu hadalkiisa u dhigay “Dagaalku joogsan maayo inta taako ka mid ah xadka Gobaladda Waqooyi uu cadow ku jiro”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept