Hogaamiyaha Soomaaliya oo kulan kula qaatay dalka Sacuudiga Raysal wasaaraha dalka Ciraaq

Jimco, May, 19, 2023 (AX) – Hogaamiyaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya kulan kula qaatay Raysal wasaaraha dalka Ciraaq Mohammed Shia Al-Sudani. Hogaamiye Xasan Sheekh iyo Raysal wasaare Al-Sudani ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq.

Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa uga  mahad celiyay dowladda Ciraaq cafinta 67% deynta ay ku laheyd Soomaaliya.

- Advertisement -

Labada masuul ayaa sidoo kale isla meel dhigay dib u soo nooleynta heshiiyadii hore uga dhaxeeyay dowladdaha Soomaaliya iyo Ciraaq.

Gabagabadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday dowladda Ciraaq inay dowladda Soomaaliya ay la wadaagaan khibradooda ku aadan la dagaalanka aragagixisada oo uu xusay madaxweyne Xasan in dowladda Ciraaq ay guulo wax ku ool ah ay ka gaartay dagaaladii ay la galeen kooxahaas.

Dowladda nadaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudooyinkii dambe si weyn u laba jibaartay dadaalada ay ku dooneyso sidii looga cafin lahaa Soomaaliya deynta lagu leeyahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept