Hogaamiyaha Jubbaland oo dhaliilay howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Galmudug

Hogaamiyaha Jubbaland Oo Dhaliilay Howlgalka Ka Dhanka Ah Al-shabaab Ee Ka Socda Galmudug

Isniin, Agoosto, 28, 2023 (AX) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo khudbad ka jeediyay xeritaankii shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa si adag uga hadlay dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto kooxda Al-shabaab.Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn khudbadiisa ku bogaadiyay kaalinta madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan hoggaaminta dagaalka ka dhanka Ururka Al-shabaab oo uu u joogo magaalada Dhuusamareeb mudo ku dhaw hal bil.

Axmed Madoobe ayaa sido kale tilmaamay in dagaalka ka socda deegaanada Galmudug inuu yahay mid gaabis ku bilaawday, islamarkaana xusay in howlgalka sida uu u socdo iyo sida looga hadlaayo aysan aheyn wax isku dhigma.

- Advertisement -

“Hubka la wato dowladda waa u diiwaangashan yihiin, haddii uu dhab noqon waayo dagaalka uu meesha ka baxo hubkaasi, waxa fursad weyn heli doono kooxda Shabaab” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa Sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska dul qaadaan kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay ka baxan gumeysiga ay ku hayso kooxda.

“Inta waligaa lagu gumeysan lahaa waxaan qabaa in dadku inay dagaalamaan, aan ka dhabeyno oo aan garano ciidankaas dagaalka ku jiraahi waxa ay u baahan yihiin waa shacabka sideedaba shacab ayaa dagaalama, waxay u baahan yihiin maanta nimankaan Khawaarijta ah kacdoon shacab oo la is wada daba galo” ayuu yiri Hogaamiye Axmed Madoobe.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa kusoo beegmaya, iyadoo haatan dowladda Fedataalka guulo la taaban karo ay ka gaartay howlgalada Al-shabaab looga xureynaayo deegaanada maamulka Galmudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept