Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi oo sheegay in anay beesha caalamku soo faragalin karin doorashooyinka Gobaladda Waqooyi
Khamiis, May, 18, 2023 (AX) – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in anay Gobaladda Waqooyi deeqaha caalamiga ah ku badalanayn in ay taladeeda shisheeye u gacan galiso.Hogaamiyaha oo hadal ka jeediyay munaasibada xuska 18 May, ayaa sheegay in la galayo wakhti doorasho, isla markaana anay beesha caalamku shaqo kulahayn talada doorashooyinka Gobaladda Waqooyi.
“Waxaynu u diyaar garoobaynaa doorashooyin, cadowgu noogu talin maayo doorashadayada, beesha caalamku doorashadayada soo faragalin mayso, kama taliso, sharcigayaga ma faragaliso ninka u qishayaana waa nacas ee dalkiisa aamini waaya” ayuu yiri Hogaamiye Biixi.
- Advertisement -
Waxa uu sheegay in dhaqaalaha lagu galayo doorashooyinku uu Gobaladda Waqooyi u yaalo, isla markaana ay isku filanyihiin, lakiin aanu aqbalayn in cid kale ka taliso doorashooyinka.
“Dhaqaalaha doorashadu Gobaladda Waqooyi ayuu u yaalaa, waan ku taageerayaaye taladaada ii dhiib ma yeelayno, yeelinamayno, dhaqaalahana inaga isku filan” ayuu yiri Hogaamiye Biixi.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in Gobaladda Waqooyi uu hogaanku isku badalayay hab qori isku dhiiba isla markaana, uu isaguna nidaam sharci ah ku tagi doono.