Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi oo ka hadlay qorshe lagu xakamaynayo sicir bararka
Talaado, October, 17, 2023 (AX) – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay ku hawlanyihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen qiimaha Shillinka Gobaladda Waqooyi oo hoos u dhac ku yimid.
Hogaamiyaha ayaa sheegay in hoos u dhaca qiimaha shilinku uu dhibaato ku yahay dadka shaqeeya ee mushaarkooda ku hela shilinka, kuwaasi oo lacagtoodu anay hada u goynayn wixii hore ay u jari jirtay.
Biixi waxa uu xusay in Wasaarada Maalliyada oo uu hoggaaminayo Wasiir Sacad Cali Shirre, shirkadaha waa wayn iyo baananku ay ku hawlanyihiin sidii kor loogu qaadi lahaa qiimaha Shillinka Gobaladda Waqooyi.”
Dowlada iyo wadaagayaasha dhaqaalaha oo uu Sacad hoggaaminaya maalmahan waxay ku hawlanaayeen sidii sicir bararka wax looga qaban lahaa, iyaga iyo shirkaha iyo baananka waa lala tashaday, waxanan rajaynaya in todobbaadka soo socda la joojiyo” ayuu yidhi Hogaamiye Biixi yidhi.
Kadib markii ay xukuumada Hogaamiye Biixi ku guulaysatay in ay kor u qaado isla markaana dajiso qiimaha Shillinka Gobaladda Waqooyi, oo sannado badan aan daganayn, markale ayuu dhawaan qiimaha shillinku hoos u dhacay.
Halka dollar oo awal u dhigmayay 8,500 oo shillin ayaa hada qiimihiisu kor u kacay, iyada oo uu gaadhay 8,750 shillin, tani ayaa ka dhigan in uu hoos u dhac ku yimid qiimaha shillinka, taasi oo saamaysay nolosha dan yarta.