Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi oo golayaasha sharci dajinta u gudbiyay go’aankii odayaasha dhaqanka

Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Oo Golayaasha Sharci Dajinta U Gudbiyay Go'aankii Odayaasha Dhaqanka

Arbaco, Agoosto, 30, 2023 (AX) – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi ayaa si rasmi ah u sheegay in ay xukuumadiisu aqbashay go’aankii bahda dhaqanku ay ka gaadhay khilaafka doorashooyinka, wuxuuna u gudbiyay golayaasha sharci dajinta.Digreeto uu ku saxeexanyahay Hogaamiye Biixi, ayaa lagu socodsiiyay Shir-guddoonka Golaha Guurtida Shir-guddoonka Golaha Wakiillada.

“Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii odayaasha dhaqanka ee fhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka” ayaa lagu yiri digreetada.

- Advertisement -

Golayaasha ayaa laga rabaa in ay xeer ku saleeyaan go’aanka odayaasha “Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta odayaasha dhaqanka shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka ee dalka”.

Wali qaar kamid ah ururada siyaasada ayaa diidan go’aanka odayaasha ee ku aadan doorashooyinka, waxayna saaka u yimaadeen guddoomiyaha golaha guurtida, iyadoo la sheegay in uu diiday in uu codsigooda aqbalo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept