Harry Kane Oo Diyaar U Ah In Uu Iska Diido Man United Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay Tottenham

Harry Kane Oo Diyaar U Ah In Uu Iska Diido Man United Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay Tottenham
2

Harry Kane ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Tottenham Hotspur haddii Mauricio Pochettino uu ku soo laabto mar labaad oo uu hogaamiyo kooxda Tottenham.

Kabtanka England ayaa haatan lagu wadaa inuu noqdo xiddig xor ah dhamaadka xilli ciyaareedka dambe, kooxduna wax horumar ah kama samayn dadaalkooda wadahadalada heshiiska cusub.

Daniel Levy ayaa diiday in uu Kane ka tago kooxda xagaagii laakiin Man United ayaa haatan lala xidhiidhinayaa xiddiga marka la gaadho suuqa xagaaga.

Kooxda Tottenham ayaa ku jirta xaalad adag iyada oo ku dhibaatoonaysa waxana uu xiddigu qirtay in uu isaga tago kooxda xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa haatan lagu soo waramayaa in uu hal shardi ku xidhay in uu sii joogo kooxda Tottenham wixii xilli ciyaareedka dambe ka dambe.

Sida laga so xigtay Footabll Insider, Harry Kane ayaa diyaar u ah in uu iska diido Man United Hadii uu tababare Pochettino ku soo laabto kooxda oo uu hogaamiyo kooxda.

Related