Guddoomiyihii waxbarashada u qaabilsana Gobaladda Waqooyi gobolka Sool oo SSC ku biiray

Arbaco, May, 10, 2023 (AX) – Guddoomiyihii waxbarashada u qaabilsana Gobaladda Waqooyi gobolka Sool Daahir Maxamed Axmed, ayaa isku dhiibay dhaqdhaqaaqa SSC-Khaatumo.Maxamed oo lagu soo dhaweeyay Laascaanood ayaa sheegay in uu halganka ka qayb qaadan doono “Gobolkaygii ayaan kusoo laabtay, waad ku mahadsantihiin sida quruxda badan ee aad isoo dhawayseen, waxa anan ka qayb qaadan doonaa halganka dalka lagu xoraynayo inshallah”.

Maayarka magaalada Laascaanood Cabdixakiin Cali Ismaaciil, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa Maxamed kusoo dhaweeyay Laascaanood.

- Advertisement -

“Kusoo dhawaw caasimadii gobolka Sool, kusoo dhawaw ardaydii aad xukumaysay, oo saddex qaybood u qaybsantay, qayb uu qixiyay maamulka aad ka timid, xabaal wadareeyo, kusoo dhawaw ardaydii qaybtii saddexaad ee ka hadhay ee qori qaadka ahayd, oo ah kuwaa kusoo dhawaynaya” ayuu yiri Maayar Cabdixakiin Cali.

Waxa uu maayar ku sheegay in guddoomiyaha looga baahanyahay in uu ka qaybqaato dagaalka ay kula jiraan xukuumada Gobaladda Waqooyi, waxa uu sheegay in ay Gobaladda Waqooyi kala dhamaadeed, loona baahanyahay in layska nadiifiyo.

Waxa uu sheegay in ay qaadayaan dagaal qorshaysan, oo guushiisa ay xaqiijiyeen, kaasi oo aanu dagaal ka danbayn doonin, maayarka ayaa 23 bishii hore sidan oo kale u sheegay in ay qaadayaan dagaal lagu burburinayo ciidanka Gobaladda Waqooyi.

Dhamaan dadka kale ee goobta ku sugna ayaa iyaguna si isku mid ah usoo dhaweeyay guddoomiyaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept