Guddoomiyaha Golaha Wakiilad Gobaladda Waqooyi oo sharci daro ku tilmaamay dacwada ay xukuumadu ka gudbisay

Guddoomiyaha Golaha Wakiilad Gobaladda Waqooyi Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Dacwada Ay Xukuumadu Ka Gudbisay

Talaado, Juun 6, 2023 (AX) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Gobaladda Waqooyi Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka falceliyay dacwada xil ka qaadista ah ee xukuumadu ka gudbisay, ayaa ku tilmaamay dacwad aan qiimo sharci lahayn.Qoraal uu guddoomiyuhu ku baahiyay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in dacwada xukuumadu gudbisay ay tahay mid sharciga baal marsan oo aan mudnayn in laga jawaabo.

“Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare wax qiime Sharci ah ma laha waxaanu baal marsan yahay dastuurka dalka iyo dhamaan xeerarka dhaqangalka ah mana mudna inaan ka jawaabo” ayaa lagu yiri qoraal uu Khaliif ku baahiyay bartiisa Facebook.

- Advertisement -

Waxa uu intaa raaciyay in shaqada xil ka qaadista ay leeyihiin golayaasha baarlamaanku “Waana arin jawaabteedu u taalo guud ahaan Golaha Baarlamaanka ee awoodahooda Iyo xasaanadooda lagu xadgudbay” ayuu yiri Khaliif.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobaladda Waqooyi ayaa maxkamada sarre u gudbiyay dacwad uu ku dalbanayo in guddoomiye Khaliif xilka laga qaado.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept