Guardiola: Erling Haaland Si Fiican Ayuu U Ciyaari Doonaa Kulanka Real Madrid Ee Lugta 2-aad Halkan Arin Ayaa Sabab U Ah.

Erling Haaland Oo Kaliya Ku Fashilmay In Uu Gool Ka Dhaliyo 3 Koox Oo Premier League Ah Xilli Ciyaareedkan.

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in gooldhaliyaha ugu sareeya kooxdiisa Erling Haaland uu qaab ciyaareed ka duwan soo bandhigi doono kulanka Real Madrid ee lugta labaad ee semi-finalka Champions League.

Haaland ayaan soo bandhigin qaab ciyaareedkii la filayay lugtii hore ee semi-finalka waxana ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah kulan ka dhacay Santiago Bernabeu.

- Advertisement -

Guardiola ayaa ka hadlay kulankii lugta hore ee City iyo Real Madrid ee Madrid, wuxuuna ka faallooday guusha Rudiger ee xaddiday awoodaha Haaland.

Tababare Guardiola oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ma iloobi karno in Haaland uu yahay 22 jir, waana markii ugu horeysay ee uu ciyaaro semi-finalka Champions League”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Haaland waxa uu aaday garoonka Bernabue markii ugu horeysay, waana mid ka mid ah garoomada ugu waaweyn, waxaana uu la ciyaaray koox heer sare ah, waxaana uu la ciyaaray ciyaaryahano wanaagsan oo dhanka daafaca, khadka dhexe iyo weerarka ah”.

“Kulanka labaad wax walba way u fududaan doontaa”.

“Haddii kooxdu ay awood u yeelato inay si ka sii fiican u ciyaarto qaar ka mid ah boosaska ciyaarta sida aan uga fikireyno wareegga Arbacada, waxaa laga yaabaa inay u fududaato iyaga,” ayuu hadalkiisa raaciyay maamulaha City.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept