Graeme Souness Oo Magacaaba Xiddigaha Sababta U Ah Dhibatada Man United

Graeme Souness Oo Magacaaba Xiddigaha Sababta U Ah Dhibatada Man United
2

Lix ciyaaryahan ayaa dib u celinaya Manchester United, sida uu qabo Graeme Souness.

Red Devils ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan hadii ay tahay garoonka dhexdiisa ama dibadiisa.

Kooxda Erik Ten Hag ayaa guuldarooyin kala kulmay kooxaha Arsenal iyo Tottenham waxana ay guulo dirqi ah ka gaadheen kooxaha Wolves iyo Nottingham Forest.

Sidoo kale waxa ku habsatay xaalado garoonka dibadiisa ah oo ay sababeen xiddigaha Mason Greenwood, Jadon Sancho & Antony.

Khabiirka Souness ayaa sheegay in lacagtii badnayd ee ay kooxdu suuqa galisay ay dhib tahay waxana uu magacaabay xiddigaha dambiilayaasha ah.

Waxa ku jira saxiixyada Rasmus Hojlund iyo Andre Onana kuwaas oo kooxda ugu yimid lacag dhan 1119 milyan isku darkooda.

Souness ayaa yiri: “Uma maleynayo in Manchester United ay ka fiicnaan doonto sidii ay aheyd xilli ciyaareedkii hore”.

“Waxay ku qarash gareeyeen 72 milyan weeraryahan da’yar ah kaas oo aan goolal badan dhalin”.

“34 kulan ayuu u ciyaaray Atalanta, kaliya toban gool ayuu dhaliyay, haatan waxa uu yimid horyaal ay aad ugu adag tahay in goolal la dhaliyo”.

“Waxa aan qabaa in uu Onana ka caawin doono in ay fiicnaadaan marka ay kubada ka ciyaarayaan halka dambe laakiin ma hubo in uu shabaqiisa ka ilaashan doono kubada”.

“Weli uma maleynayo Antony ama Jadon Sancho inay yihiin xalka mustaqbalka fog ee United hadii ay doonayaan inay ku guuleystaan ​​Premier League iyo Champions League, wali waxay ku tiirsan yihiin Marcus Rashford”.

“Horay ayaa la iigu dhaleeceeyay laakiin Aniga fikir ahaantayda Casemiro ma ahan xiddig Tayo Leh, waa xiddig fiican laakiin ma ahan xiddig aad ka bixinayso lacag si aad u daawatid”.

Related