Gobaladda Waqooyi oo sheegtay in xoogaga SSC weerar qorshaysan kusoo qaadeen ciidankeeda

Khamiis, May, 18, 2023 (AX) – Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay  in xoogaga SSC, Puntland iyo kooxo argagixiso ahi ay weerar  qorshaysan kusoo qaadeen ciidamadeeda ku sugan jiida Laascaanood.Warsaxaafadeed kasoo baxday wasaarada gaashaaandhiga ayaa lagu sheegay in kooxo huwan ahi ay weerarka soo qaadeen xili ciidamadu ay shacabka Gobaladda Waqooyi la qaybsanayeen dabaaldaga munaasinadda 18 May, lakiin la jabiyay.

“Ciidamada huwanta oo saddex jaho oo kala ah galbeedka magaalada ee Xargaga, bariga magaalada ee Maraaga iyo aagga Dhaban-saar ka soo weeraray ciidanka Qaranka Gobaladda Waqooyi iyagoo la kulmay jab aanay mahadin oo ay xasuusan doonaan muddo dheer” ayaa lagu yiri war-saxaafadeda.

- Advertisement -

Dagaalka saaka ayaa dhacay xili Gobaladda Waqooyi looga dabaaldagayo munaasibadda 18 may, wali lama hubo khasaaraha dagaalka, xoogaga SSC ayaa dhankooda Gobaladda Waqooyi ku eedeeyay in ay weerarka saaka soo qaaday.

Hogaamiye Biixi ayaa maanta sheegay in dagaalku soconayo inta laga xoraynayo xuduudaha Gobaladda Waqooyi sida uu hadalka u dhigay, garaadada SSC ayaa iyaguna hore u sheegay in ay dhulka SSC ka xoraynayaan Gobaladda Waqooyi.

Waan waan la doonayay in lagu joojiyo dagaalka oo tiraba dhowr jeer qolooyin kala duwani isku dayeen ayaan ilaa hada guul laga gaadhin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept