Gobaladda Waqooyi oo laga xusay munaasibadda 18 May
Khamiis, May, 18, 2023 (AX) – Gobolada iyo degmooyinka Gobaladda Waqooyi ayaa laga xusay munaasibada 18 May oo ku beegeen 32 sanno kahor markii ay Gobaladda Waqooyi ku dhawaaqday in ay ka noqotay midowgii Jamhuuriyadii Soomaaliyeed.Dabaaldagyada oo ka dhacay dhamaan degmooyinka iyo gobolada Gobaladda Waqooyi ayaa waxa ugu waynaa dabaal daga magaalada Hargaysa, halkaasi oo uu Hogaamiye Biixi salaan kaga qaatay ciidamada kala duwan.
Dabaaldagyada ay dhigayaan shacabka Gobaladda Waqooyi ayaa soo socday ilaa curashadii bishan May, iyadoo dhallinyaro kumanaan ah oo ku labisan calanka Gobaladda Waqooyi ay isku soo baxyo ka dhigayeen fagaarayaasha magaalooyinka waa wayn.
- Advertisement -
“Shacabka Gobaladda Waqooyi meel ay joogaanba maxay kaga duwantahay tani, maxay dhallinyarada Gobaladda Waqooyi u seexan waayeen habeenadii u danbeeyay, waxay joogaan raadkii awawyaashood iyo abayaashood oo ah,ma nihin dad dagaal loogu soo hunguroodo” Hogaamiye Biixi ayaa sida yiri.
Xuska munaasibada ayaa waxa kale oo kasoo qaybgalay wufuud ka socotada dowladaha jaarka iyo dubulumaasiyiin kale.