Gobaladda Waqooyi: Colaad laba beelood ku dhexmartay gobolka Togdheer oo xal laga gaadhay

Arbaco, May, 24, 2023 (AX) – Colaad laba beelood ku dhexmartay gobolka Togdheer ee Gobaladda Waqooyi ayaa ugu danbayn maanta xal buuxa laga gaadhay.Shaqaaqadan oo galaafatay nolosha ugu yaraan 3 qof oo ka kala tirsan beelaha dhibaatadu dhexmartay, ayaa soo jiidatay indhaha bulshada Gobaladda Waqooyi iyadoo xukuumad, mucaarad, waayeel iyo waxgaradba gurmad laga galay daminteeda.

Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi ayaa badhtamihii bishan u safray magaalada Burco si uu gacan uga gaysto daminta colaada, sidookale wasiiro xukuumada ka tirsan ayaa halkaa u joogay daminta colaada.

- Advertisement -

Madaxda xisbiyada mucaaradka Gobaladda Waqooyi iyo qaar kamid ah madax dhaqameedka ugu caansan Gobaladda Waqooyi ayaa iyaguna Burco u joogay xal u helista colaada ilaa badhtamihii May.

Colaada ayaa maanta lagu dhameeyay shir si wayn loosoo agaasimay oo mucaarad iyo muxaafadba laysku arkay, oo ka dhacay magaalada Burco.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa shalay mar uu daadihinayay dood ka dhacaysay golaha sheegay in colaad beeleedyo ay ka hurayaan qaar kamid ah gobolada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept