Gary Neville: Man United Way Dhibaatoon Doontaa Hadii….
Gary Neville ayaa aaminsan in Casemiro uu u muuqday Mid lunsan labadii kulan ee ay Man United ciyaartay halka uu rumaysan yahay in uu Erik Ten Hag wajihi doono dhibaato weyn hadii ayna kooxdu la soo saxiixan xiddig khadka dhexe ah ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga.
Kooxda Man United ayaa guuldaro 2/0 ah kala kulantay Tottenham kulan ka tirsanaa horyaalka horyaalka premier League todobaadkii 2-aad.
- Advertisement -
Neville oo arintaas ka waramaya ayaa yidhi”Casemiro waxa uu u muuqdaa mid ku lunsan khadka dhexe labadii kulan ee ugu horeeyay”ayuu Neville yidhi.
“Waxa iska cad ayaa ah in khadka dhexe ee Manchester United uu u baahan yahay xoojin”.
“Ten Hag waxa uu doonayaa xiddig ka ciyaari kara No.6 kana garab ciyaari kara Casemiro haatana kooxdu uma muuqato in ay awoodaan taas”.
Related