Garry Neville: Man United Guuldaro Ayay Kala Kulmi Doontaa Arsenal Hadii……

Garry Neville: Man United Guuldaro Ayay Kala Kulmi Doontaa Arsenal Hadii……

Garry Neville ayaa ku booriyay Manchester United inay sameyso labo saxiix oo cusub ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Waxa uu sidoo kale uga digay kooxdiisii ​​hore in ay guuldaro kala kulmi doonaan Arsenal Axada hadii aan la keenin saxiixyo cusub.

- Advertisement -

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Premier League ayaa lagu wadaa inuu xirmo Jimcaha 11pm.

Neville ayaa aaminsan in United ay u baahan tahay inay la soo saxiixato daafac bidix iyo khadka dhexe ka hor inta aan la gaarin waqtigaas.

Wuxuu ku dhaleeceeyay Red Devils inaysan ahayn koox fiican kulankii ay la ciyaartay Nottingham Fores sabtidii.

“Hadii aad tahay Ten Hag waxa aad dareemaysaa in ayna kooxdaadu si fiican ku bilaaban xilli ciyaareedkan, waxa ay ahaayeen kuwo xun ilaa haatan”.

“Waxa ay la ciyaari doonaan Arsenal sidaas darteed waxa uu noqon doonaa kulan xiiso leh”.

“Hadii ayna United la soo saxiixan xiddigo cusub waxa aan filayaa in ay guuldaro kala kulmi doonto Arsenal”.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept