Garaad Jaamac: Muuse ergadii oo gurigiisa ku sugan ayuu diiday in uu qaabilo, oo uu yiri xabada joojin mayno

Jimco, May, 19, 2023 (AX) – Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in madaxweynaha Gobaladda Waqooyi uu diiday in uu qaabilo ergadii nabada uu dagaalna ku baaqay, ayna iska celinayaan.Garaadka oo waraysi gaar ah siiyay Gaylan Media ayaa sheegay in Biixi uu ku doodayo xad beenaad uu gumaystuhu sameeyay sida uu hadalka u dhigay.

“Gurigiisa intuu ugu yeedhay ayuu qaabili waayay, kadibna iyaga oo wali gurigiisa ku sugan ayuu yiri xabada joojin mayno ilaa aanu gaadhno xad beenaadkii gumaystuhu u kala qaybiyay umada Soomaaliyeed markaa nabadaasi maalinta ayay dhimatay” ayuu yiri Garaad Cali.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in la waayay cid madaxweyne Biixi uga ergaysa oo ku qancisa in uu ciidanka ka saaro SSC, isla markaana ay hada dagaalka balaadhinayaan oo ay xidhi doonaan wadada uu saadku u maro ciidamada Gobaladda Waqooyi “Shalay hadaanu baryaynay oo aanu lahayn guryihiina ku noqda maanta iyaga ayaa na baryi doona”.

Waxa uu sheegay in umada Soomaaliyeed tahay beelo, ayna tahay in beel kasta gurigeeda ka taliso, taasina ay tahay xalka ugu dhow ee nabad lagu gaadhi karo.

Waxa uu sheegay in anay jirin ciidamo aan ahayn kuwa deegaanka oo Laascaanood ka dagaalamaya, isaga oo beeniyay hadalkii madaxweynaha ee ahaa in kooxo huwan ahi dagaalamayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept