Gabriel Jesus Oo Qiimeeyay Fursadaha Kooxdiisa Ee Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Gabriel Jesus Oo Qiimeeyay Fursadaha Kooxdiisa Ee Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Gabriel Jesus, xiddiga Arsenal, ayaa ka hadlay shirkiisa jaraa’id ee kooxdiisu ay la ciyaarayso PSV Eindhoven berri oo Arbaco ah, heerka guruubyada ee Champions League.

Shirka jaraa’id ayuu Jesus ku nuux nuuxsaday rabitaanka ciyaartoyda Arsenal ee ku guuleysiga Champions League xilli ciyaareedkan.

- Advertisement -

Jesus ayaa yiri: “Dabcan waan ku guuleysan karnaa Champions League, tartamada oo dhan, koobabka aan ka qayb galayno waxa aanu doonaynaa in aanu ku guulaysano, champions League waa sidoo kale, hadii aan si kale u fikirno waanu khaldanahay sababta oo ah waxa aan u ciyaarnaa Arsenal”.

Isagoo ka hadlayay ka qayb galka qaar ka mid ah ciyaartoyda Arsenal markii ugu horeysay ee Champions League, Jesus wuxuu ku daray: “Hagaag, hubaal, shalayto qaar iyaga ka mid ah ayaa ku kaftamay muusikada, waxaan filayaa in qof walba uu faraxsan yahay, kaliya maaha ciyaartoyda, kooxda iyo taageerayaasha. ”

Arsenal ayaa markii ugu horaysay muddo dheer ka qayb galaysa tartanka champions League iyaga oo la Ciyaari doona kulankooda furitaanka kooxda PSV.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept