Faysal Cali Waraabe: Qudbadii madaxweynuhu waxay ahayd is dila

Talaado, May, 9, 2023 (AX) – Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Gobaladda Waqooyi Faysal Cali Waraabe, ayaa Hogaamiye Biixi ku eedeeyay in uu Gobaladda Waqooyi burburinayo.

Waraabe ayaa dhalliilay qudbad sannadeedii madaxweynaha ee shalay, iaga oo sheegay in ay ahayd qudbad aan laga filayn sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

“Lama filayn maanta oo aynu doonayno in uu dalkeenu midoobo oo huwanta dalka soo weerartay gacmaha iska qabsano, oo khilaafka gudaheena aan xalino, oo uu horseed ka noqdo ilayn kursigii madaxweymaha ayuu fadhiyaaye, in uu shalayto qudbad ah is dila” ayuu yiri Waraabe.

Waxa uu sheegay in madaxweynuhu xisbiyada ku tilmamay ururo, isla.markaana  hadii xisbiga Kulmiye urur noqday aanay suuragal ahayn in madaxweyne uu matalo urur.

Waxa uu sheegay in uu madaxweyne Biixi ka gubanayo wakhtigiisa dhamaaday, lakiin uu u sheegayo in uu wakhtigiisi dhamaaday, isla markaana ay sharci ahayd in ay xoog madaxtooyada kaga soo saaraan, lakiin ay nabada u tudheen.

Waxa uu sheegay in cidkasta oo taageersan madaxweyne Biixi ay ka qaybqaadanayso burburinta Gobaladda Waqooyi, wuxuuna sheegay in loo bahanyahay in madaxweynaha xilka laga qaado, hadii kalena ay  ka tashan doonaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept