Faysal Cali Waraabe oo sheegay in ciidanka Gobaladda Waqooyi dib u qabsan doono Laascaanood
Isniin, September, 4, 2023 (AX) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Gobaladda Waqooyi ee UCID Faysal Cali Waraabe oo ku sugan taliska Oog ee ciidamada Gobaladda Waqooyi, ayaa sheegay in Gobaladda Waqooyi ay dib u qabsan doonto Laascaanood.Guddoomiyaha ayaa sheegay in jabkii ciidanka soo gaadhay uu ahaa qadar, isla markaana uu ku kalsoonyahay in ciidanku uu guulaysan doono talaabada xigta.
“Maanta ta dhacday waa qadar Ilahay, Nabi Maxamed waad ogtihiinoo Uxud waa maalintii 70ka asxaabi laga dilay isagoo Badar guulaystay, markaa waxan hubaa in aynu guulaysan doono, inagu dulmi samayn mayno lakiin waxan xaq u leenahay in aynu xuduudeeda sugno” ayuu yiri Faysal.
- Advertisement -
Waxa uu sheegay in shacabka reer Sool ay yihiin reer Gobaladda Waqooyi, lakiin uu shisheeye kusoo duulay sida uu hadalka u dhigay, isaga oo xusay in jabkii ciidanka soo gaadhay ay baraarujisay shacabka Gobaladda Waqooyi.
Waxa uu ku dooday in xuduuda Gobaladda Waqooyi ay ka mid tahay xuduudihii Afrika ee isticmaarku sameeyay 1885, isla markaana anay suuragal ahayn in la badalo, garaadada SSC ayuu sidookale ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay Gobaladda Waqooyi wax ula dhisan lahaayeen.
Ciidamadii Gobaladda Waqooyi ee dhawaan laga soo saaray saldhigyadoodii magaalada Laascaanood, kadib jab kasoo gaadhay dagaal dhexmaray ciidamada SSC Khaatumo ayaa hada dib isugu urursaday taliska Oog ee gobolka Sool.