Faysal Cali Waraabe oo sheegay in aanu aqbalayn doorasho aan ta madaxtooyada ahayn

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Aanu Aqbalayn Doorasho Aan Ta Madaxtooyada Ahayn

Isniin, Luulyo, 24, 2023 (AX) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Gobaladda Waqooyi ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa naqdiyay jadwalka doorashada ee ay soo saartay guddida doorashooyinku.Waxa uu sheegay in nidaamka ururada cusub lagu furay uu yahay mid aan shaqaynayn oo aan la aqbali karin, isaga oo sheegay in anay aqbalayn doorasho aan ahayn doorashada madaxtooyada.

“Maanta ayay u darnaayeen oo waxa ay yidhaahdeen ururo ayaanu samaynaynaa, adduunka ma urur ayaa ka dhaca, waxa la raba in anaga meesha nalaga saaro” ayuu yiri Faysal.

- Advertisement -

Hogaamiyaha iyo xukuumadiisa ayuu ku eedeeyay in ay yihiin koox aan cid kale u ogolayn in ay xukunka timaado “Waxa caddaatay in kooxdani anay cid kaleba u ogolayn xukunka, sharcigii aynu qoronay meel ayay iska dhigeen walaalayaal” ayuu yiri Faysal.

Faysal waxa uu xukuumada madaxweyne Biixi ku eedeeyay in ay isku darsatay wax qababad la’aan, xukun jacayl iyo qabyaalad sida uu hadalka u dhigay, isaga oo dhalliilay hay’addaha sharci dajinta sida guurtida oo uu sheegay in ay sharci daro ku joogto.

Waxa uu waxgaradka, ganacsatada iyo culimada Gobaladda Waqooyi ugu baaqay in ay u tagaan madaxweynaha isla markaana ay ku qanciyaan in uu ka hor yimaado go’aanka guddida doorashooyinka, isla markaana uu qabto doorasho madaxweyne.

Hadaba, xisbiga UCID ayaa ku kala jabay sida looga jawaabayo go’aanka guddida, iyada oo madaxda ugu saraysa ee xisbiga sida xogeeyaha guud, guddoomiye ku xigeenka iyo saraakiil kale ay taageereen go’aanka guddida doorashooyinka, isla markaana ay kasoo horjeesteen guddoomiye Faysal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept