Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay afduubkii ay jabhada buurta Gacanlibaax ka gaysatay Oodweyne

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Afduubkii Ay Jabhada Buurta Gacanlibaax Ka Gaysatay Oodweyne

Arbaco, Agoosto, 9, 2023 (AX) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Gobaladda Waqooyi ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in muranka doorashooyinku uu sababay falalka jabhadaynta ah ee ka dhacaya Gobaladda Waqooyi.Faysal oo ka hadlayay afduubkii ay jabhada buurta Gacanlibaax ka gaysatay deegaanka Dabagorayaale ee degmada Oodweyne, ayaa sheegay in ay tahay bilow rabshadeed oo muranka doorashooyinku sababeen.

“Dhacdada maanta ka dhacday Dabagoroyaale waa bilow rabshadeed weeyi waa taan ka digayay, balaayo madax la qabto ayay leedehee dabo la qabto ma leh, ciidamadii uu geeyay buurta ee la yiri kasoo qaad hada wuu sii kordhiyay ayaa la yiri” ayuu yiri Faysal.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in doorasho aan laysla ogolayni anay Gobaladda Waqooyi ka dhici doonin, isla markaana ay beesha deegaankiisu go’aansatay in anay galin doorasho aan ahayn doorashada madaxtooyada.

“Waxaan leeyahay Muuse wuu tashaday, reer Gobaladda Waqooyi-now tashada, waar aynu umad ahaan u tashano, waar dalka haynaga burburinin waar maanta xabad ayaa layskugu keen dhiibayaa” ayuu yiri Faysal.

Jabhada buurta Gacanlibaax oo falal afduuba gaysatay marar kala duwan, ayaa ka dhalatay muranka wali ka taagaan doorashooyinka ee u dhexeeya mucaaradka iyo muxaafadka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept