Faysal Cali Waraabe oo ergay Cabdikariin Xuseen Guuleed ku eedeeyay in uu Gobaladda Waqooyi duminayo

3

Axad, October, 29, 2023 (AX) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in koox cadaw ahi ay doonayso in ay Gobaladda Waqooyi dumiso, isaga oo si gaar ah usoo hadal qaaday Ergay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Guddoomiye Waraabe oo muuqaal la wadaagay warbaahinta ayaa sheegay in Gobaladda Waqooyi lagu wado arrin hore Soomaaliya ugu socotay, sida uu hadalka u dhigay, arrintaasi oo ah in loo qaybiyo gobolo, isaga oo sheegay in Gobaladda Waqooyi anay ka soconayn, oo aanay aqbalayn.

Ergay Cabdikariin Xuseen Guuleed ayuu si gaara uga hadlay, isaga oo sheegay in uu qayb ka yahay dad doonaya in ay Gobaladda Waqooyi burburiyaan, isaga oo sheegay in magaca jagada uu hayo uu xataa badalay.

“Ninka la yidhaa Cabdikariin Xuseen ee la baxabay u qaybsamaha dowlada federaalka ee arrimaha Gobaladda Waqooyi ee xataa magicii badalay ahaa wadahadalada Gobaladda Waqooyi, waxba inaga qaadi maayo” ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu sheegay in beeno aan sal iyo raad lahayn ay faafinayaan cadawga Gobaladda Waqooyi, isaga oo sheegay in Gobaladda Waqooyi xadkeeda si dhakhso ah u tagayso.

“Cadawgeenii barobagaadho iyo been ayuu adduunka la maraya, waxan ugu bishaaraynayaa shacabka Gobaladda Waqooyi xuduudeenii si dhakhso ah ayaynu u tagaynaa, dhallinyarada sida mutadawacnimada ah ciidamada u gashay waxan leeyahay guulaysta” ayuu yidhi Waraabe.

Guddoomiyaha ayaa tiraba dhawr jeer intii Ciidanka Gobaladda Waqooyi laga soo saaray Laascaanood sheegay in Gobaladda Waqooyi ay dib ula wareegayso Laascaanood.