Faysal Cali Waraabe: Golaha Ammaanku malaha awood sharci oo ay kaga hadasho arrimaha Gobaladda Waqooyi
Khamiis, Juun 8, 2023 (AX) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobaladda Waqooyi Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Golaha Ammaanku aanu lahayn awood sharci oo uu kaga hadlo arrimaha Gobaladda Waqooyi.Faysal ayaa sheegay in Gobaladda Waqooyi anay xubin ka ahayn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida darteedna anay jirin awood sharci oo uu goluhu Gobaladda Waqooyi kaga hadlo.
”UNSC ma laha awood sharci iyo mid damiir ah oo ay kaga hadasho arrimaha Gobaladda Waqooyi mar haddii aynaan xubin ka ahayn UN-ta, yaynan isku dayin in ay kahadlaan meeqaamka Gobaladda Waqooyi marka ay wada hadlayaan. Ama qira jiritaankeena ama wacyigiina naga daaya” ayuu yiri Faysal.
- Advertisement -
Golaha Ammaanka oo shalay warbixin kasoo saaray dagaalka Laascaanood, ayaa Gobaladda Waqooyi ugu baaqday in ay ciidankeeda kala baxdo Laascaanood, taasi oo xukuumada Gobaladda Waqooyi ay diidmo kaga jawaabtay.
Sidookale golaha ayaa dhinacyada dagaalamaya ugu baaqay in ay miiska wadahadalka iskugu yimaadan oo colaada wadahadal lagu dhameeyo.