Erling Haaland Oo Ka Hadlay Fursadihiisa Ku Guulaysiga Ballon d’Or

Erling Haaland Oo Ka Hadlay Fursadihiisa Ku Guulaysiga Ballon D’or
2

Weerar yahanka kooxda koowaad ee Manchester City, Erling Haaland, ayaa ka hadlay wacdarihii uu dhigay xilli ciyaareedkii hore.

Haaland ayaa man City kaga soo biiray Dortmund waxana uu ugu yimid 75 milyan oo euro waxana uu City ku hogaamiyay ku guulaysiga Premier League, champions League iyo FA cup.

Haaland ayaa ka hadlay fursadihiisa ku guulaysiga abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or -ka.

wareysi uu siiyay wargeyska “L’Equipe“Markii aan imid Manchester City, waxaa jiray shaki badan oo ku saabsan guushayda, sababtoo ah qaabka tababaraha, iyo xaqiiqda ah inuusan jeclayn inuu ku ciyaaro weeraryahan toos ah.”.

Waxa uu intaa ku daray: “Arrinta lidkeeda waa la caddeeyey, inkastoo aanan wax badan ka akhriyin saxaafadda, laakiin waxaan maqlay Hadalo fiican”.

Marka laga hadlayo tartanka Ballon d’Or: “Waan aaminsanahay naftayda, waan ogahay in aan wali wax badan gaadhi karo, wali waan da’yarahay, laakiin haa, waxa aan filayaa in aan fursad haysto sanadkan”.

Related