Erling Haaland Oo Fariin U Diray Real Madrid Kadib Bar-Barihii Bernabue.
Xiddiga kooxda Man City ee Erling Haaland ayaa fariin u diray Real Madrid ka hor kulanka lugta 2-aad ee tartanka champions League.
Real Madrid ayaa bar-baro 1/1 ah la gadhay Man City kulan ka dhacay Bernabue kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega Semi-final-ka tartanka champions League.
- Advertisement -
Labada kooxood ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican waxana haatan la sugayaa kulanka lugta 2-aad oo xidhiidh doona Arbacada dambe.
Haaland ayaa Boggiisa Twitter-ka fariin ugu diray kooxda Real Madrid kadib markii ay kooxdiisu bar-baro kala soo laabatay Bernabue.
“Wax walba gacanteena ayay ku jirtaa, ma sugi karo kulanka todobaadka dambe”ayuu Haaland soo dhigay barihiisa bulshada.
Haaland ayaan wax gool ah dhalin kulankii ka dhacay Bernabue xilli ay kooxdiisu bar-baro 1/1 ah la gashay Real Madrid.
Related