Erik ten Hag Oo Ka Warbixiyay Xaalada Antony Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay Kulankii Old Trafford.

Erik ten Hag ayaa xaqiijiyay in Antony uu soo gaaray dhaawac ‘ halis ah’ ka dib markii xiddiga Manchester United dhaawac looga dhex qaaday kulankii khamiista ee ay United ka badisay Chelsea kulan premier League.

United ayaa xaqiiqsatay booskooda wareega Group-yada champions Legaue xilli ciyaareedka dmabe kadib markii ay 4/1 kaga badiyeen Chelsea laakiin waxa ay dhaawac ku waayeen xiddiga reer Brazil.

- Advertisement -

Xiddiga 23 jirka ah ayaa dhaawac xnun soo gaadhay kadib markii uu kubad kula loolamay xiddiga daafaca ka ciyaara ee Trevoh Chalobah.

Xiddig ayaa laga dhex qaaday garoonka isaga oo ooyaya iyada oo lagu badalay xiddiga Marcus Rashford.

Markii ciyaarta wax laga waydiiyay xaalada Antony, Ten Hag ayaa yidhi”aynu sugno 24-ka saac ee soo socda xaaladu haatan way adagtahay”.

“Waxa aan kuu sheegi karaa in uu dhaawacu yahay mid halis ah laakiin 24 saac kadib ayaan wax walba ogaan doonaa”

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept