Erik ten Hag Oo Ka Fal Celiyay Gaadhista Man City Ee Champions League

Intii lagu guda jiray shirkiisa jaraa’id ee u dambeeyay, Erik ten Hag ayaa la weydiiyay fikirkiisa ku aadan in Manchester City ay gaartay Final-ka champions League.

Halkii uu ka hadli lahaa gaadhista City ee final-ka waxa uu diirada saaray kooxdiisa iyo sidii ay u gaadhi lahaayeen wareega Group-yada champions League xilli ciyaareedka dambe.

- Advertisement -

Erik ayaa ku jawaabay: “Marka aad aragto mashruucan, marka hore waa muhiim inaad gasho Champions League”.

“Uma maleynayo maanta heerkaas, waxaan eegayaa kulanka xiga waana Bournemouth”.

“Waa inaan ku guuleysanaa taas si aan u gaarno Champions League, wax walba ayaan gacanta ku haynaa”.

“Marka, waxaan diirada saareynaa ciyaarta iyo ciyaaraha soo socda, kulanka ugu horeeya ayaa ah kan ugu muhiimsan”.

Kooxda Red Devils ee Ten Hag ayaa hal dhibic ka sareysa Liverpool, iyadoo kulan uu baaqi u yahay. Ku guuleysiga seddexdii kulan ee ugu dambeysay waxay dammaanad qaadaysaa inaan ku dhamaystaan 4-ta boos ee ugu sareeya premier League una soo baxaan Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept