Erik Ten Hag Oo Doonaya In Uu Premier League Ku Soo Celiyo Xiddig Horay Ugu Soo Ciyaaray Arsenal.

Man United Oo Ku Dhaw Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga.
4

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay doonayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa Goolhayaha Kooxda Juventus ee Wojciech Szczesny inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Intii lagu jiray 2022-23, tababaraha United Erik ten Hag ayaa haystay dookhyo fiican oo goolka ah iyada oo De Gea ahaa dookha 1-aad waxana kayd ugu jiray Martin Dubravka, Jack Butland iyo Tom Heaton.

Si kasta ha ahaatee United ayaa la fahsamnayahay in ay suuqa ugu jirto Goolhaye cusub iyada oo De Gea uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa.

Sida laga soo xigtay TuttoJuve, United ayaa ka fiirsaneysa inay ka faa’ideysato fursada ay kula soo saxiixaneyso Szczesny.

ayaa horay uga soo ciyaaray horyaalka premier League isaga oo soo matalay kooxda Arsenal ka hor inta uuna ka tagin kooxda kuna biirin kooxo badan oo ay ugu dambaysay Juventus.

Kooxda Man United ayaa Goolhayaha 33 jirka ah ku heli karta lacag dhan 8 milyan oo euro iyada oo Juventus doonayso in ay iska iibiso xiddiga.

Related