Dusan Vlahovic Oo Go’aansaday Kooxda Uu Kaga Biirayo Premier Legaue Hadii Uu Ka Tago Juventus.
Sida laga soo xigtay Fichajes, Dusan Vlahovic ayaa doorbidaya inuu ku biiro Arsenal marka loo eego koox kale haddii uu ka tago Juventus xagaagan.
Weeraryahanka ayaa iska diiday Arsenal isaga oo ka doortay ku biirista kooxda Juventus xagaagii la soo dhaafay laakiin xiddiga ayaa doonaya in uu isaga tago horyaalka Talyaaniga xagaaga.
- Advertisement -
Vlahovic ayaa Juve u dhaliyay 13 gool 3 kalena caawiye ka noqday xilli ciyaareedkan laakiin waxa lagu soo waramayaa in uuna ku faraxsanayn halkaas.
Wakiilkiisa ayaa raadinaya kooxo kale oo uu ku biiro xagaaga wargayska Fichajes ayaana sheegaysa in uu wali xiiso xoogan u qabo kooxda Arsenal.
Arsenal ayaa haysata xiddiga Gabriel Jesus laakiin waxa ay suuqa u gali doontaa weeraryahan cusub maadama uuna xiddiga reer Brazil gool dhaliye caan ah ahayn.
Related