Dhaqdhaaqyo ciidan oo xooggan oo laga dareemayo jiidaha dagaalka ciidamada Gobaladda Waqooyi iyo kuwa SSC- Khaatumo

Dhaqdhaaqyo Ciidan Oo Xooggan Oo Laga Dareemayo Jiidaha Dagaalka Ciidamada Gobaladda Waqooyi Iyo Kuwa Ssc- Khaatumo

Arbaco, September, 6, 2023 (AX) – Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xooggan ayaa ka jira furimaha dagaalka ee ay ku kala sugan yihiin ciidamada Gobaladda Waqooyi iyo kuwa SSC- Khaatumo.labada dhinac ayaa 48 saac ee ugu dambeeyay ciidamo faro badan geeyay jiidaha ay ku kala sugan yihiin, iyadoo dadku ay bilaabeen inay isaga barakacaan magaalada Oog iyo degaanada ee ay ku sugan yihiin ciidamada SSC- Khaatumo.

Labada ciidan ayaa ku sugan meelo masaafo ahaaan isku jira wax ka yar 10km. Ciidamada Gobaladda Waqooyi ayaa ku sugan duleedka magaalada Oog, halka ciidamada SSC- Khaatumo ay ku sugan yihiin tuulada la yiraahdo Sarinta oo 9km u jirta magaalada Oog.

- Advertisement -

Saraakiil katirsan SSC- Khaatuma oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa uga digay Gobaladda Waqooyi inay duullaan kusoo qaaddo magaalada Laascaanood.

Waxay sheegeen inay la socdaan in Gobaladda Waqooyi ay dhallinyaro aan ciidan ahayn kusoo daabushay magaalada Oog, kuwaas oo ay uga digayaan waalidiintooda in aan wiilashooda loo adeegsan colaada.

Saraakiisha SSC- Khaatumo waxay sheegeen haddii uu dagaal dhaco in ciidankooda aysan ku ekaandoonin meesha ay haatan ku sugan yihiin, waxay sheegeen inay meesha ka bixidoonto is-xakamaynta iyo wax xeerinta.

Saraakiil katirsan Gobaladda Waqooyi waxay iyaguna sheegeen inay si degdeg ah u galayaan gobolka Sool, iyagoo sheegay inay diyaariyeen ciidamo tababar soo qaatay oo loogu talo galay inay soo xiraan waxay ugu yeereen xuduudaha uu leeyahay maamulka Gobaladda Waqooyi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept