Dhacdo:Liverpool Oo Racfaan Ka Gudbisay kaadhkii Casaanka Ahaa Ee Alexis Mac Allister.

Alexis Mac Allister Oo Ciyaari Kara Kulanka Liverpool Ee Todobaadka Dambe Inkasta Oo Kaadhka Cas Loo Taagay Kulankii Bournemouth

Kooxda Liverpool ayaa racfaan ka gudbisay kaadhkii casaanka ahaa ee loo taagay xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister.

Alexis Mac Allister ayaa laga saaray ciyaartii ay Liverpool kaga badisay Bournemouth premier league.

- Advertisement -

Kaadhka cas ayaa sababay in ay dad badan la yaabaa marka loo eego in uuna ahayn mid ay VAR dib u eegtay.

Alexis Mac Allister ayaa dhinaciisa la yaabay markii uu garsooruhu u taagay kaadhka cas.

Alexis Mac Allister ayaa la filayay in uu seegayo 3 kulan oo xidhiidh ah kadib kaadhkii casaanka ahaa.

Liverpool ayaa haatan si Rasmi ah xidhiidhka FA-ga ugu gudbisay Racfaan.

Hadii ay Liverpool ku guuleysato Racfaanka Alexis Mac Allister ayaa diyaar u noqon doona kulanka Newcastle United ee todobaadka dambe.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept