“Dhaawaca Ayuu U Nugulyahay”:-Wout Weghorst Oo Ku Digtay Antony Martia

“dhaawaca Ayuu U Nugulyahay”:-wout Weghorst Oo Ku Digtay Antony Martia
2

Wout Weghorst ayaa ku tilmaamay Antony Martial mid “dhaawac u nugul”, isla markaas ay tahay sababta uu u ciyaaray in ka badan intii uu filayay.

Weghorst ayaa yiri:”Waxa uu igu yidhi Ten Hag ayaa ahayd in uu u baahanyahay weeraryahan kaas oo taam u noqon kara kulamada”.

“Xaqiiqada ayaa ah in uuna wax iigu sheegin sida ay haatan wax yihiin, Anthony Martial ayaa ahaa weeraryahankiisa si fiican ayuuna u shaqeynayay – laakiin waa uu u nugul yahay dhaawaca”.

“Taasi waa waxa aan u imid. Laakiin Ten Hag ayaa si cad u yidhi ‘Adiga ayay kugu xidhan tahay, Waad ciyaari kartaa xiddiga ugu fiican ayaana ciyaari doona”.

“Riyadaydu waxa ay mar walba ahayd in aan qaab ciyaareedka ugu fiican soo bandhigo, aad ayaanan ugu faraxsanahay”.

Xiddiga reer Holland ayaa ku soo bilowday dhamaan 18-kii kulan tan iyo markii uu amaah kaga so biiray kooxda Burnley. Dhanka kale Martial ma uusan ciyaarin ku dhawaad ​​labo bilood.

Related