DEG-DEG: Liverpool Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixa Joao Felix
Kooxda Liverpool ayaa u muuqata kuwo dar-dar galinaya xiisaha ay u qabaan saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Atletico Madrid ee Joao Felix sida ay sheegayaan wararku.
Sida laga soo xigtay Sky Sport, Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbiso saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Felix.
- Advertisement -
sky ayaa sheegaysa in ay Liverpool haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Xiddiga Felix si uu ugu biiro kooxda Liverpool.
Xiddiga Felix ayaa ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu u saxiixayo kooxda Liverpool kaas oo dhacaya ilaa xagaaga 2029.
Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo kula jirta Atletico Madrid iyada oo kooxdu diyaar u tahay in ay bixiso 70 milyan oo euro.
Liverpool ayaa xiddiga Felix u aragta badalka xiddiga Mohamed Salah oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda
Related