DEG-DEG: Liverpool Oo Ka Jawaabtay Xiisaha Al-Ittihad Ee Mohamed Salah

Deg-deg: Liverpool Oo Ka Jawaabtay Xiisaha Al-ittihad Ee Mohamed Salah
2

Kooxda Liverpool ayaa ka jawaabtay kooxda Al-Ittihad ee doonaya saxiixa xiddiga Mohamed Salah.

Al-Ittihad ayaa doonaysa in ay Salah ka dhigto xiddigii ugu dambeeyay yimaada horyaalka sucuudiga.

Kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ayaa diyaar u ah in ay Liverpool miiska u saarto Lacag dhan 100 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Sidoo kale Al-Ittihad ayaa diyaar u ah in ay Salah ka dhigto xiddigaha ugu mushaharka badan adduunka iyo waliba horyaalka sucuudiga.

Laakiin sida laga soo xigtay wargayska The Athletic, Liverpool ayaan wax xiiso ah u qabin in ay iibiso xiddiga reer masar.

Liverpool ayaa ku adkaysanaysa in uuna xiddigu iib ahayn suuqa xagaagan wax walba oo dhaca

Related