Declan Rice Oo Fure U Noqon Kara In Ay Arsenal Saxiixa Ivan Toney Ku Garaacdo Chelsea.

Declan Rice Oo Fure U Noqon Kara In Ay Arsenal Saxiixa Ivan Toney Ku Garaacdo Chelsea.
0

Tababaraha kooxda Brentford Thomas Frank ayaa daaha ka qaaday todobaadkii hore in Ivan Toney uu ka tagi doono kooxda hadii uu dalab sax ah u yimaado.

Arsenal ayaa doonaysa in ay la soo wareegto xiddigan si Tony uu u noqdo dookh cusub oo weerarka ah, Gunners ayaa raadin doonta xiddig cusub oo lambar sagaal ah.

Tony kaliya bartilmaameed uma noqon doono Arsenal laakiin sidoo kale waxa uu bartilmeed u noqon doonaa kooxda chelsea.

Brentford ayaa si fiican u fahansan booska ciyaaryahanka kaas oo doonaya in uu isaga tago kooxda si uu ugu biiro koox weyn suuqa January.

Tony ayaa maalin maalmaha ka mid ah muujiyay xiisaha uu u qabo inuu u ciyaaro Arsenal, wuxuuna beeniyay inuu waligiis taageeray Liverpool, balse wuxuu aad ula dhacay kubbada cagta Arsenal.

Xiddiga Declan Rice ayaa fure u noqon doona in uu xiddigu ku biiro kooxda Arsenal marka la gaadho suuqa xagaaga.

Tony ayaa laga yaabaa inuu doonayo inuu maro wadadii uu Maray Rice markii uu Arsenal ku biiray suuqii xagaaga.

Related