Dagaal u dhaxeeya ciidamada Gobaladda Waqooyi iyo kuwa SSC oo ka socda duleedka Laascaanood

Talaado, May, 16, 2023 (AX) – Wararka nagasoo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya ayaa in bariga iyo galbeedka magaalada uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Gobaladda Waqooyi iyo kuwa SSC.Wararka aan helayno waxay sheegayaan in dagaalka uu ka dhashay kaddib markii ciidamada Gobaladda Waqooyi ay dhaqdhaqaqyo ciidan ka sameeyeen jiidaha ay ku sugan yihiin.

Daryanka madaafiicda la isku adeegsanayo ayaa laga maqlayaa magaalada Laascaanood.

- Advertisement -

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dagaalku geystay. Mano jirto cid katirsan labada dhinac oo ka hadashay dagaalka.

Saakay hore, baraha bulshada ayaa lagu arkayay gaadiid xambaarsan hubka darandooriga u dhaca oo ay leeyihiin ciidamada Gobaladda Waqooyi, kuwaas oo kusii jeeday taliska Goojacadde.

Dagaalka saakay ayaa yimid xilli xalay ciidamo maleyshiyo beeleed ah oo katirsan kuwii ku sugnaa jiidaha dagaalka Laascaanood ay soo faarujiyeen.

Ciidamadan oo ka gadoodsan doorashada dowladaha hoose ee Puntland ayaa soo aaday  Garowe, iyagoo qorshahoodu yahay inay is hor istaag ku sameeyaan qabsoomida doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept