Daawo: Qaabkii Xiddigaha Barcelona Loo Caydhsaday Kadib Markii Ay Ku Guulaysteen Horyaalka La Liga

Kooxda Barcelona ayaa markii ugu horaysay muddo 5 sano ah ku guulaystay horyaalka La Liga kadib markii ay garaaceen kooxda Espanyol kulan ka tirsnaa La Liga.

Barcelona ayaa garaacday kooxda ay jaarka yihiin ee Espanyol kulan ka tirsnaaa La Liga waxana ay si Rasmi ah ugu guulaysteen horyaalka La Liga markii 27-aad ee taariikhdooda.

- Advertisement -

Markii ay ciyaartu dhamaatay xiddigaha Barcelona ayaa garoonka ku dhex dabaal dagay iyaga oo ku faraxsanaa ku guulaysiga horyaalka La Liga.

Laakiin arinta la yaabka leh ayaa dhacday in taageerayaasha kooxda Espanyol oo cadhaysan ay garoonka ugu soo daateen xiddigaha kooxda Barcelona.

Taas ayaa keentay in ay xiddigaha Barcelona orod uga baxaan garoonka dhexdiisa si ay uga badbaadaan taageerayasha xanaaqsan.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay kooxda Espanyol ku jirto kaalmaha ugu hooseeya ee looga hadho horyaalka La Liga.

Daawo Muuqaalka qaabkii ay Xiddigaha Barcelona uga baxsadeen taageerayaasha Espanyol:

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept