Cristiano Ronaldo Oo Baal Dahab Ah Ka Galay Taariikhda Kubada Cagta, Muxuu Sameeyay.

Cristiano Ronaldo Oo Baal Dahab Ah Ka Galay Taariikhda Kubada Cagta, Muxuu Sameeyay.
2

Xiddiga xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa isku qoray taariikhda kubada cagta gaar ahaan kulamada xulalka kadib markii uu ku bilowday shaxda xulkiisa.

Cristiano Ronaldo  ayaa noqday xiddiga ugu safashada badan taariikhda kubada cagta gaar ahaan kulamada xulalka kadib markii uu ku bilowday kulankiiuu xulkiisu garaacay xulka Liechtenstein

Ronaldo ayaa ciyaaray kulankii 197 ee xulkiisa waxana uu sidaas ku noqday xiddiga ugu safashada badan taariikhda kubada cagta.

Cristiano ayaa sidoo kale rikoodhkan ugu dabaal dagay 2 gool oo uu ka dhaliyay xulka Liechtenstein kulan ka tirsanaa is reeb-reebka tartanka Euro 2024.

Related