Crisis Group: Waxa la gaadhay xiligii Gobaladda Waqooyi iyo Dhulbahante wadahadli lahaayeen

Sabti, May, 20, 2023 (AX) – Hay’adda Xasaradaha Adduunka ee International Crisis Group, ayaa dhinacyada Laascaanood ku dagaalamaya ugu baaqday in ay wadahadlaan.Hay’adda xasaradaha oo soo saartay warbixin ku saabsan dagaalka Laascaanood ayaa ku baaqday in xabada la joojiyo oo wadahadal layskugu yimaado.

“Ciidanka Gobaladda Waqooyi iyo maleeshiyaadka Dhulbahante ayaa ku dagaalamaya xukumida Laascaanood, Dhulbahantuhu waxay rabaan in ay ku biiraan Soomaaliya halkii ay qayb ka mid noqon lahaayeen qaran dhiska Gobaladda Waqooyi, dhinacyadu waa in ay joojiyaan xabada oo ay u diyaar garoobaan wadahadal” ayaa lagu yiri warbixinta.

- Advertisement -

Waxa warbixinta lagu sheegay in dhinacyadu ay libin laabeen dhaqdhaqaaqyada dagaal, isla markaana uu mid kasta qoranayo dagaalyahano cusub, taasi oo dagaalka ku fidin karta qaybaha kale ee gobolka Sool, dhaawicina kartana nabadgalyada dhibka loosoo maray ee Gobaladda Waqooyi.

Waxa lagu xusay in si loo wadahadlo oo dhinacyadu ay matalayaal lagu kalsoonaan karo miiska ukeenaan in Dhulbahante magacaabo guddi dheelitiran, isla markaana dhinaca Gobaladda Waqooyi ay qabato doorashooyin si loo helo xukuumad sharci ah.

Warbixinta ayaa xustay in dhowr jeer Somliland ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, lakiin aanu dhinacna ixtiraamin xabad joojinta. Warbixintan ayaa imanaysa xili xiisada dagaal ee Laascaanood ay kasii darayso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept