Chelsea Oo U Dhaqaaqaysa Badalka Moises Caicedo.

Chelsea Oo U Dhaqaaqaysa Badalka Moises Caicedo.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fikirayso in ay horay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Marco Verratti.

Xagaagan oo dhan chelsea ayaa suuqa ugu jirta xoojinta khadka dhexe iyaga oo sameeyay dadaalo aad u badan.

- Advertisement -

Inkasta oo ay la soo saxiixdeen xiddigaha Lesley Ugochukwu iyo Taylor Adams hadana chelsea ayaa wali suuqa ugu jirta xiddig khadka dhexe ah.

Blues ayaa xagaagan oo dhan lala xidhiidhinayay xiddiga kooxda Brighton ee Moises Caicedo kaas oo lag diiday 4 dalab.

Laakiin chelsea ayaa lagu garaacayaa saxiixa Caicedo iyada oo  Liverpool ku dhawdahay saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay foot Mercato, Chelsea ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Mrco Verratti si ay ugu xoojiso khadka dhexe ee kooxda.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept