Chelsea Mise Liverpool? Jamie Carragher Oo Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Ka Dhici Doona Stamford Bridge.
Jamie Carragher ayaa saadaaliyay kulanka adag ee dhexmari doona kooxaha chelsea iyo Liverpool horyaalka premier Leaugue.
Reds ayaa doonaysa in ay guul ku bilaabato xilli ciyaareedka marka ay booqan doonaan Stamford Bridge si ay ula ciyaaraan Blues.
- Advertisement -
Kooxda Klopp ayaa ka hadhay champions League xilli ciyaareedkii hore waxana ay ku fashilantay in ay ku guulaysato wax koob ah.
Chelsea ayaa dhinacooda ku dhamaystay kaalinta 12-aad ee kala saraynta inkasta oo ay suuqa galiyeen lacag badan.
Carragher ayaa saadaaliyay in kulanka la kala dhalin doono goolal badan Isla markaas labada kooxood soo bandhigi doonaan qaab ciyaareed cajiib ah.
“Xilli ciyaareedkii hore Liverpool iyo chelsea waxa ay ciyaareen laba kulan oo 0/0 ah labada kooxood haatanba waxa ay isha ku hayaan in ay guulo gaadhaan kulanka”.
“Waxan filayaa in ay goolal badan kala dhaliyaan laakiin ciyaartu ku dhamaato bar-baro”ayuu sii raaciyay.
Related