Chelsea & Bayer Oo Doonaya Saxiixa Goolhayaha Ramsdale

Chelsea & Bayer Oo Doonaya Saxiixa Goolhayaha Ramsdale

Chelsea iyo Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay si dhow isha ugu hayaan xaalada Aaron Ramsdale ee Arsenal ka dib markii Goolhayaha kaydka u galay David Raya.

Ka hor kulankii Everton, Ramsdale ayaa ahaa Goolhayaha 1-aad ee kooxda Arsenal tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee Goolhayaha ayaa lumiyay booskiisa iyada oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda.

Sida laga soo xigtay wargayska Mail Kooxaha Chelsea iyo Bayern Munich ayaa isku diyaarinaya in ay u dhaqaaqan saxiixa Goolhayaha suuqa January.

Labada kooxood ayaa la filayaa in ay suuqa January u dhaqaaqaan saxiixa Goolhayaha hadii uuna ku soo laaban shaxda kooxdiisa

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept