Browsing Category

Latest

Latest | Wararka Maanta | Somali. Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Dabka ka kaca Goobaha Ganacsiga Dhuusamareeb & Dab damis

Kaalin shidaal oo ku taalla meel u dhaw Xarunta Dowladda Hoose ee Dhuusamareeb waxaa saakay qabsaday dab aan la xaqiijin ilaa haatan waxa uu ka dhacay, balse saameyn dhaqaale u geystay dhismo ganacsi oo u dhawaa kaalinta. Dad wata sakeelo lagu shubay carro iyo biyo, Booyaha shaqsiyaadka ganacsatada ay leeyihiin & Dhalinyarada magaalada ayaa ku howlan daminta dabka si uusan u reebin saameyn dhaqaale oo kale. Magaalada Dhuusamareeb malahan Dab damis, waxaana la adeegsadaa…

Hir-Shabeelle oo u digtay Dad ka Ganacsada Biyo aan nadiif

Dad ka Ganacsada Biyaha laga qaado Magaalada Baladweyne si loogu iib geeyo qoysaska ka barakacay Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ku sameeyay Xarunta Gobalka Hiiraan ayaa looga digay ka gacansiga Biyaha aan Caafimaad wanaagsaneen. Wasaaradda Tamarta & Biyaha DG Hir-Shabeelle ayaa sheegtay in Gawaari Booyado ah lagu qaado Biyo wasaqeysan oo aan caafimaad ahaan u wanaagsan dadka laga qaado Magaalada Baladweyne. Isu duwaha Wasaaradda Tamarta & Biyaha Hir-Shabeelle Cawil…

DANAB oo sheegtay in Sarkaal katirsan Al-Shabaab ku dishay

Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayay saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in ay dileen sarkaal katirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa Deegaanka Yaaqbari weyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalkaan ayaa dhacay kadib markii Ciidamada DANAB ay heleen xog la xiriirta sarkaalka katirsan Al-Shabaab sidaasina uu ku dhacay waa sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha Ciidanka DFS. Dowladda Federaalka ma aysan dhaafsiin xogta howlgalka dilka ah…

Muxuu ku saabsan yahay shirka Madaxweyne Farmaajo, DG &

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Madaxtooyada waxaa xalay ka furmay shir u dhaxeeya Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madax Goboleedyada Hir-Shabeelle, Galmudug, Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed, waxaana wehliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Muqdisho oo uu ka maqnaa Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa xalay fiidkii soo gaaray Caasimadda, waxaana isla markii uu soo degay uu ku biiray wada hadalka heer federal & heer Dowlad…

Ra’iisul Wasaare Rooble oo laamaha Amaanka “dusha u saaray

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida iyo laamaha amniga Gobolka banaadir ayaa kala hadlay qorsheyaasha lagu dardar-gelinayo ammaanka, dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada iyo dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada. Eng Rooble oo labo maalin ka hor xilka lawareegay ayaa Talisyada Ciidanka kala hadlay sugida amaanka magaaladda Muqdisho iyo howlgaladda ka socda goboladda dalka ee ka dhanta ah Xoogga Al Shabaab.…

Sacuudi Carabiya oo sheegtay in ay qabatay “unug argagixiso”

Muslimiinta Suniga ah ee Sacuudi Carabiya iyo Shiicada Iran ayaa sidoo kale ku xayiran dagaallo dhowr ah oo wakiillo ah oo ka socda gobolka, oo ay ku jiraan Yemen iyo Suuriya oo deris la ah. Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegaysa in ay qabatay “unug argagixiso” oo tababar ka helay Ilaalada Kacaanka Iiraan, xarig 10 qof iyo qabashada hub iyo walxaha qarxa, halka Tehran ay leedahay eedeyntu waa “been abuur dhameystiran”. Af-hayeen u hadlay madaxtooyada Sucuudiga ayaa ku sheegay…

Xal laga gaaray buuq dhaliyay in ay hakad galaan howlahii

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa xaliyay buuq ka ka taagnaa duulimaadyadii gudaha ee ka bixi jiray Garoonka ka dib markii Guddiga Diyaaradaha oo ka carooday amar ka soo baxay NISA ay sheegeen in ay joogiyeen shaqadii duulimaadyada. Muranka ayaa yimid kaddib markii shalay Hey’adda Nabadsugida ay joojisay diyaarad aadi laheyd degmada Doolow ee Gobolka Gedo, taasna ay keentay Guddiga Diyaaradaha oo shir yeeshay in ay sameeyaan shaqo joojin. Arrinta…

Maraakiib ganacsi oo ku xayiran Xeebaha Boosaaso. –

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in xeebta Boosaaso ay ku xayiran yihiin doonyo iyo maraakiib sida Shixnado ganacsi oo u raran ganacsato Soomaaliyeed. Doonyaha iyo Maraakiibta oo shixnado ganacsi ka keenay dalalka Carabta, gaar ahaanna Cummaan iyo Imaraatiga, ayaa saacado ku xayiran xeebta Boosaaso, kadib markii lagu wargeliyay in ay halkaas ku hakadaan, maadaama ciid laga saarayo Marinka dekedda Bosaaso ee Puntland. Maamulka dekedda…

Imaaraatka oo Simay Mushaarka Ragga & Dumarka! – Axadle

Two female arabic managers showing the engineers what the construction will look like Amar kasoo baxay Sheekh Khaliifa Bin Zaayid Al-nahyaan Bishii Agoosto ayaa dhaqangalay, waxaana uu ahaa in la jimeeyo (la simo) Mushaarka Ragga iyo Dumarka ka shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay. Howlwadeenada looma fiirin doono Rag ama dumar, balse waxa ay qaadan doonaan Mushaar siman, maadaama markii ay kala sareeyeen, amarkaan ayaa ka dhashay kadib markii cabasho la xiriirta Dowladdu…

Madaxweyne Qoor-Qoor & Odoyaasha Gaalkacyo oo kawada hadlay

Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo xalay ku hoyday Magaalada Gaalkacyo ayaa qaabilay Odoyaasha dhaqanka Magaaladaas oo uu kala hadlay dhigista gogol lagu heshiisiinayo beelo maleeshiyaadkooda ku dagaalamay Gobolka Galgaduud. Kaariye iyo Odoyaasha ayaa isku afgartay dhexdhexaadinta beelaha walaalaha ah ee dagaalamay, sidaas awgeed Waxgaradka Gaalkacyo ay qayb ka noqdaan dhinacyada dhexdhexaadinta ka qaybgalaya. Saddexdii cishe ee lasoo dhaafay Hogaamiyaha…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More