Browsing Category

Latest

Latest | Wararka Maanta | Somali. Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Jigjiga: Sicir bararka oo noqday dhibaatada kaliya ee maanta aadka loo hadal hayo magaalada Jigjiga

Axad, May, 22, 2022 (AX) - Sicir bararka maciishada waxay noqotay arrinta ugu hadal haynta badan ee gudaha dowlad degaanka Soomaalida, waxayna noqotay mid saameyn ku yeelata nolosha dadka iyo waliba dhaqdhaqaaqa ganacsi ee degaanka Soomaalida.Haddaba qaar kamid ah ganacsatada degaanka Soomaalida oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in sababta u wayn ee sicir bararka keentay ay tahay ganasatadii iyo dowladdii oo aan isla eegin arrinka sicir bararka, iyo waliba sarrifka lacagaha qalaad oo aan fadhin.Ganacsatadu  waxay…

Rwanda ayaa la geyn doona dufcadii ugu horaysay ee magangalyo doon ah

Rwanda ayaa filaysa in kooxdii ugu horreysay ee 50 magan-galyo doon ah la geeyo kuwaa oo laga soo wareejiyo Boqortooyada Ingiriiska dhammaadka May, afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay. Bishii Abriil, dawladda UK waxay ku dhawaaqday qorshe ay dadka magangelyo doonka ah ugu diri doonto waddanka ku yaal Bariga Afrika. Laakiin horraantii bishan, waxay sheegtay inay filayso qareennada inay soo gudbiyaan dacwadaha looga hortagayo raritaankooda. "Sida laga soo xigtay xogta aan hayno, qaybta ugu horreysa ee soogalootiga…

Erdogan ayaa Stoltenberg kala hadlay dalabka NATO ee Finland iyo Sweden

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si wanaagsan uguma eegi doono xubinnimada Iswidishka iyo Finland ee NATO haddii aan la tixgelin dalabaadka Turkiga. Waxaa arrintan ku dhawaaqay madaxa NATO Jens Stoltenberg kadib wadahadal Sabtidii, sida ay sheegtay Al Jazeera. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii sheegay in Ankara aysan si "wanaagsan" u eegi doonin dalabaadka Iswidhan iyo Finland ee NATO haddii aan walaaceeda wax laga qaban, inkastoo taageero ballaaran ay ka helayaan xulafada kale oo uu ku jiro…

Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Taliyaha AFRICOM General Stephen Townsend

Axad, May, 22, 2022 (AX) - Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) General Stephen Townsend ayaa kulan la qaatay Hogaamiyaha cusub ee Soomaaliya.Taliyaha AFRICOM ayaa madaxweynaha ugu hambalyeeyay guusha uu dhawaan ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee 15-kii bishan ka dhacday teendhada Afisyooni.Sidoo kale waxa uu dhambaalkiisa hambalyada ah u diray shacabka Soomaaliyeed, xukumadda, iyo cid kasta oo ay khusayso arrimaha doorashada oo ku dadaalay in ay guul ku soo dhamaadaan doorashooyinkii dib u dhaca badan ku…

Wasiir Kaahin: Faysal Cali Waraabe wuxuu yirii Soomaaliya aynu ku noqono

Axad, May, 22, 2022 (AX) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, uu u soo jeediyay in Somaliland ay Soomaaliya dib ula midowdo. Wasiir Kaahin oo ka hadlayay madal loogu dabaal dagayay sannad guurada 20aad ee kasoo wareegtay markii la as aasay xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in kulankii 16 May ay yeesheen mucaaradka iyo xukuumada Somaliland, uu Faysal ka yidhi "Dowladnimadii Somaliland way socon waydee aynu…

Madaxweyne Biixi: Urrurada waa la furayaa waa mabda sharci ah

Axad, May, 22, 2022 (AX) - Hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlayay munaasibad lagu xusayay 20 guurada kasoo wareegtay markii la aas aasay xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in furista urruradu sharci tahay.Hogaamiyaha ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye, uu taageerayo furista urrurada, isla markaana ay sharci tahay "Maantana wuu taageerayaa in ay urruradu dagaal galaan, maantana tii ayuu fulinayaa oo urrurada waa la furaya, waa mabdi'iyan sharci ah".Biixi ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye uu…

Human Right Watch oo sheegtay dib-u-dejinta ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya inay welwel ku tahay dadka rayidka ah

Axad, May, 22, 2022 (AX) - Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday xukumadda Mareykanka in ay ka digtoonaadaan khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah, isla markaana ay ka feejignaadaan howlgalladooda.Howlgallo hore oo ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh oo soo gaaray dad rayid ah oo Soomaaliyeed.Mareykanka ayaa sheegay inuu dhowr boqol oo askari  dib ugu soo celinayo Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah howlgalka wadajirka ah ee xukumadda…

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo berrito xilkiisa la wareegidoona

Axad, May, 22, 2022 (AX) - Hogaamiyaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maalinta berrito ah si rasmi ah ula wareegidoona xilkiisa, sida lagu sheegay war kasoo baxay kulan dhexmaray madaxweyne xasan Sheikh iyo madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo.Guddiga Qaban qaabada Xil-wareejinta Hogaamiyaha ayaa go'aamiyey in Munaasabadda Xil-wareejintu ay dhacdo maalinta isniinta ah oo ku beegan 23 bishan May oo ah berri.Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sameyndoonaa munaasabad ballaaran oo ay xilka kula kala wareegayaan…

UK oo Muqdisho tababar milatari ugusoo gabagabeysay ciidamo ka kala tirsan AMTIS iyo kuwa xoogga dalka

Axad, May, 22, 2022 (AX) - 32-askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwa xukumadda Soomaaliya ayaa tababar ku saabsan sirdoonka, dabagalka iyo sahanka loogu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.Boqortooyada Ingiriiska iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa iska kaashaday tabbaarkaan, sida lagu sheegay warbixinta.Sarkaal ka socday xukumadda UK oo lagu magacaabo Lt Col Jeremy Sapwell, ayaa sheegay in tababarkaan  uu muhiim u yahay jabinta al-Shabaab.UK ayaa dhowaan sheegtay inay billaabayso…

Ciidamada xukumadda oo gacanta ku dhigay madaxii Al-shabaab u qaabilsana qaraxyada magaalada Marka

Axad, May, 22, 2022 (AX) - Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 14-aad ee guutada 14 Oktoobar ee ka howlgasha magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa soo bandhigay sarkaal ay sheegeen inuu Al-shabaab u qaabilsana qaraxyada. Saraakiisha ciidamada xukumadda ayaa magaciisa ku sheegay ninka gacanta lagu soo dhigay Aweys Mayow Eelaay oo ay tilmaameen inuu yahay madaxii qaraxyada Al-shabaab u qaabilsana magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose. Saraakiisha ciidamada ayaa sidoo kale  sheegay in ciidanku qabteen…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More