Casemiro Mise Thomas Partey? Oleksandr Zinchenko Oo Doortay Xiddiga Fiican Labada Xiddig Ka Hor Kulankooda.

Casemiro Mise Thomas Partey? Oleksandr Zinchenko Oo Doortay Xiddiga Fiican Labada Xiddig Ka Hor Kulankooda.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Oleksandr Zinchenko ayaa is bar-bar dhigay xiddigaha Casemiro iyo Thomas Partey ka hor kulanka Man United iyo Arsenal.

Labada xiddig ayaa ka ciyaara isku boos waxana ay isaga hor iman doonaan kulan adag oo ka tirsan horyaalka premier League.

- Advertisement -

Xiddiga Oleksandr Zinchenko Ayaa sheegay in uu Thomas Partey ka fiicanyahay xiddiga kooxda Man United ee Casemiro ka hor kulanka adag ee premier League.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Casemiro shaki la’aan waa mid heer caalami ah, waxa uu ku guulaystay 5 koob oo champions League”.

“Laakiin aniga ahaan hadii aad i waydiisid midka fiican waxa aan dooranayaa Thomas Partey”ayuu sii raaciyay Hadalkiisa.

Labada xiddig ee khadka dhexe aya rajaynaya in ay kooxdooda guul ku hogaamiyaan kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept