Cabdirisaaq Khaliif: Annagu Gobaladda Waqooyi cadow uma aragno haddii aan wanaag kuwada noolaanayno

Cabdirisaaq Khaliif: Annagu Gobaladda Waqooyi Cadow Uma Aragno Haddii Aan Wanaag Kuwada Noolaanayno

Axad, Agoosto, 27, 2023 (AX) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Gobaladda Waqooyi, Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ugu baaqay Soomaliland inay joojiyaan duullaanka weli ku yihiin gobolka Sool.Cabdirisaaq Khaliif oo saxaafadda kula hadlay magaalada Laascaanood, ayaa waxa uu sheegay, SSC- Khaatumo in aanay jirin cid wax ka beddeli karta jiritaankeeda iyo masiirkeeda. isagoo sheegay in dadkiisu ay tashadeen.

“Maanta laga bilaabo annagu cadow uma aragno nimanka halkaas kasoo jeeda, haddii nabad iyo wanaag aanu ku wada noolaanayno. Laakiin haddii ay muujiyaan cadaawadooda, annagana waxba dhulka nagama yaalaan,” ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif.

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka  Gobaladda Waqooyi, wuxuu ugu yeeray Dowladda federalka Soomaaliya inay garab istaagaan reer SSC iyo maamulkooda. Wuxuu sheegay waxa ay u dhimanayeen, una baraceen inay ahayd midnimada dalka iyo calanka baluuga ah.

Waxa uu sheegay in xasuuq aan loo aaba yeelin laga geystay magaalada Laascaanood. Isagoo sheegay in boqolaal kun oo qoys laga barakaciyay guryahooda markii madaafiic lala dhacay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept