Booliiska Gobaladda Waqooyi oo ka digay bannaanbax uu ku baaqay xisbiga Waddani
Khamiis, Agoosto, 10, 2023 (AX) – Booliiska Gobaladda Waqooyi ayaa ka digay bannaanbax ay sheegeen in uu ku baaqay xisbiga mucaaradka Gobaladda Waqooyi ee Waddani.Afhyeen u hadlay ciidanka booliiska ayaa banaanbaxa Waddani ku tilmaamay mid sharci daro ah, oo aanu booliisku aqbali doonin.
“Dadka magaalooyinka waawayn ee intaa leeg kala jooga ee loogu baaqayo isusoobax ama kulan, waxaanu u aragnaa bannaanbax sharci daro ah” yuu yiri.
- Advertisement -
Bulshooyinka ku nool magaalooyinka qaarkood ee Gobaladda Waqooyi ayuu ugu baaqay in anay samaynin wax bannaanbax ah, isaga oo dadka wayeelka ahna ugu baaqay in anay dhallinyarada garab ku siin isusoobaxa.
“Waxan ugu baaqayaa dhamaan dadwaynaha Gobaladda Waqooyi ee ku nool gobolada Maroodijeex, Togdheer iyo Sanaag in ay iska jiraan afcaasha nimanka dhallinyarada ee la kicinayo in dadwaynuhu gacansiiyaan” ayuu yiri.
Bannaanbaxa la sheegay in uu xisbigu ku baaqay ayaa ku soo beegmaya sannad guuradii 1aad ee kasoo wareegtay bannaanbixi ay xisbiyada mucaaradku sameeyeen 11, August, 2022, kaasi oo sababay dhimashada dad ka badan 5 qof.