Benzema Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa

Benzema Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa

Xiddiga reer France ee Karim Benzema ayaa ku guuleystay abaalmarinta Marca kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu la qaatay Kooxda Real Madrid.

Karim Benzema ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa iyada oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

- Advertisement -

“Mustaqbalkeyga? Waxa hadda dhacaya waa uun ku sheekeysiga baraha bulshada, xaqiiqadu ma ahan baraha bulshada, waxaan joogaa Madrid, waxaan la ciyaarayaa kooxda sabtida, berrina tababar ayaan qaadan doonaa, hadda waan joogaa”.

Laacibka ayaa hadalkiisa ku daray: “Ma ihi mid ka duwan dadka kale laakiin booskayga waxa aan qabtaa shaqo ayna qaban xiddigo badan”.

Benzema oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Waxaan jeclaan lahaa in aan u mahadceliyo asxaabtayda, sababtoo ah la’aantood wax abaalmarin ah ma aanan heleen”.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept