Bellingham Oo Fariin U Diray Xiddiga Liverpool Ee Dominik Szoboszlai Kadib Goolkii Uu Ka Dhaliyay Leicester City.
Goolkii cajiibka ahaa ee uu Dominik Szoboszlai ka dhaliyay Liverpool ayaa soo jiitay indhaha xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham kaas oo bartilmaameed u ahaa Liverpool suuqii xagaaga.
Dominik Szoboszlai Ayaa ku riyaaqaya qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda suuqii xagaaga.
Xiddiga ayaa gool cajiib ah u dhaliyay Liverpool kulankii Carabao cup-ka ee wareega 3-aad ee tartanka.
Xiddiga Bellingham oo qaab ciyaareed fiican ku qaadanaya Real Madrid ayaa fariin u diray xiddiga reer Hungery.
Bellingham ayaa qoraal la soo dhigay baraha bulshada kuna saabsan xiddiga Dominik Szoboszlai kaga fal celiyay qoraal ah “Szoboo” waxana uu sii raaciyay calaamado muujinaya goolkii uu dhaliyay ee xooganaa.
Related